No video

Maxamed Mooge | Coonodiid | 51

  Рет қаралды 17,681

HIBAALE Lyrics

HIBAALE Lyrics

Жыл бұрын

Heeskan waxa allifay Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyo e Xuseen Jaamac oo ku magac dheeraa “Xaaji Gujis”. Heeskani malahayga waa heesaha ugu quruxda badan ee uu Maxamed Mooge ku luuqeeyo. Waa hees ammaan halkii ugu sarraysay ah, waana hees farshaxannimada midhaheeda la isku saaray ay ku dareensiinayso hodantinnimada uu mu’allifka curiyay suugaanta u lahaa. Waxa uu sawirayaa ugu horraynba deegaan qurxoon, oo inta Eebbe nimcadiisa ku maansheeyay dabadeed na ay duunyadu si bilaa tacluus ah ay aashood u taxaashayaan. Codka shinbiraha, shanqadha biyaha ‘shalaw’ leh iyo kuwa ‘shagax’ leh. Midabbada midhaha hoobaanta ah, kuwa ugurta ah iyo kuwa caddaysta ah ee ishaadu aanay sinaba uga dhergayn muuqaalkooda, afkaaguna aanu macaanka uga qaraarayn, calooshaaduna aanay tayadooda uga haagi karayn ayuu innoo sawirayaa.
Intaasi waa sahaalo e quruxi waa danbaysaa allaylahee. Waxa se cajab qabta, nimcadaas aynnu ka soo sheekaynay oo araarta heeska ah, ayuu hal’abuurku ku leeyahay, ‘ninka halkaas cuudkiisa ku dhaqda ee aan belo iyo baas toona ogayn, haddiiba aan noqon lahaa, waxa aan ka sii jeclaan lahaa aniga oo cadraddii aan calmaday gibin aan badnayn cawaysnimo kula kaliyaysta’! Amakaagu waa tan oo kale....
Waxa kale oo uu halkaas ka galayaa ammaanta inanta, isaga oo dhan walba oo uu ka eegaba ay muxibbo iyo kalgacal ku sii abuurayso. Dumarka kuwo socod badan ayaa jira oo raggu karaahiyaysto e, inantani gurigooda ma dhaafto. Qaar baa hadal qallafsan oo aad mooddaa in naxariista laga qadiyay e, inantni sida ay u hadal toosanthay caalim qawlka Rabbi iyo kii Rasuulka mooyaane aan wax kale afkiisa laga maqlayn oo kale ayaad mooddaa. Inani waa hooyadeede, sharafta iyo milgahana wax ay dhab uga hiddaysatay boqoraddii xansheerka ku soo qaadday horraaddadeedana soo nuujisay. Mid mid u dul istaaga haddii aynnu is nidhaahno ka gayoon mayno e, sida deegaan ay daruur laxaad lihi ay ku hoortay, ayay inantanna xaddigii ay ammaani lahaan lahayd oo dhammi ugu hooreen, waxaana sida mahiigaankaas ugu hanqadhay Xaaji Gujis, midhihiisa na waxa meel mar iyo taabbud ma dhaafaan ah ka sii dhigay codkii luxdanaa ee Maxamed Mooge Liibaan; waxaanu yidhi:

Пікірлер: 5
@jiboqaraamimedia4583
@jiboqaraamimedia4583 Жыл бұрын
❤❤❤ yaasalaam waa heesta uugu macaan heesaha m mooge luuqda iyo kamanka iyo erayoba Runtii heeskan markaan dhagaysanayo waxa lay geeyaa duni kale oo aad u qurxoon oo macaan. Aad iyo aadbay ii jibbo galisaa
@user-jl1so9dr2y
@user-jl1so9dr2y 3 ай бұрын
Hibaale keep going sxb lyrics wuxuu noo fududeeyay inan si fudud ku xifdino mhdsanid
@Walish-px7mq
@Walish-px7mq 9 ай бұрын
Today in the year 2023, the only thing I would change in this song is the " 16kii Cabdi sheegey to 46kii Cabdi sheegey". Because we know better today.
@siraad8026
@siraad8026 Жыл бұрын
Caraabinaaya *waqal baa
@ismalurebulshaawiyoutubechanel
@ismalurebulshaawiyoutubechanel 5 ай бұрын
Cirkoo galab hillaacoo Caraabinaaya waqalada
Maxamed Mooge | Xaawalay Kas Daranaa 45
9:16
HIBAALE Lyrics
Рет қаралды 36 М.
AXMAD MOOGE DHALINYARO WITH LYRICS KABAN ORIGINAL
10:54
GEEDI SHAAMBOW STUDIO
Рет қаралды 127 М.
Kids' Guide to Fire Safety: Essential Lessons #shorts
00:34
Fabiosa Animated
Рет қаралды 12 МЛН
Secret Experiment Toothpaste Pt.4 😱 #shorts
00:35
Mr DegrEE
Рет қаралды 42 МЛН
The Joker saves Harley Quinn from drowning!#joker  #shorts
00:34
Untitled Joker
Рет қаралды 54 МЛН
World’s Largest Jello Pool
01:00
Mark Rober
Рет қаралды 127 МЛН
Maxamed Mooge | Soo Socoo Wax Ii Sheeg 42
7:05
HIBAALE Lyrics
Рет қаралды 11 М.
Maxamed Mooge | Ma dadkaad wax dheertahay 15
5:52
HIBAALE Lyrics
Рет қаралды 39 М.
Aun Axmed Mooge & Miiraale Lyrics
8:01
somali media
Рет қаралды 45 М.
Maxamed Mooge Liibaan Heesta |Dhayalsade
6:40
Laalays Lyrics
Рет қаралды 44 М.
Adduunyooy Xaalkaa Ba' (Kaban) || Maxamed Mooge Liibaan || HD +Lyrics
9:03
QARAAM CHANNEL
Рет қаралды 1,4 МЛН
Best Axmed Mooge & Maxamed Mooge, Heeso kaban Macaan by Somali Literature Media.
2:21:17
Hees Sidirigam    . Maxamed cali burco
10:29
Abdelaziz Dacar
Рет қаралды 28 М.
Kids' Guide to Fire Safety: Essential Lessons #shorts
00:34
Fabiosa Animated
Рет қаралды 12 МЛН