No video

miyaan xalay to jiif day lyrics | axmed mooge miyaan xalay jiif day | Miyaan xalayto jiifsaday

  Рет қаралды 109,271

DHUGMAAL LYRICS

DHUGMAAL LYRICS

Жыл бұрын

HEESTA: Miyaan Xalayto Jiifsaday
ERAYADA: Cabdi Qays
LAXANKA : Axmed Gacayte
LUUQDA: Axmed Mooge Liibaan
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
Jidhku muu dubaaxsheen
Naftan oon ku jirinoo
Cirku jabaq ma keeneen
Tiiyoon jirin daruuruhu
Ifka la maba joogeen
Dhulka oon la jiifine
Ogoobeey jacaylkuna
Waxaan jirin hadduu yahay
Jalleecadaan ku eegaba
Jirro i ma haleesheen
Mana jidhiidhicoodeen
Intaan jaha wareeree
Miyaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Riyaad igu la joogtee
Miyaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Hadhkaagaa ila joogee
*******************
Micigii dhul jiifiyo
Jillab qodax leh waa halis
Haddaad guuro jiidhee
Jiic iyo Cadaadee
Jiiri waad ku xirantaa
Jeerin dhul uu ku yaallee
Jidiin wuxuu caddaadaa
Ama oonku jabiyaa
Markaad jeex abaariyo
Jid cidla ah lugaysee
Jabka kaa ka sii daran
Hayay waa jacaylkee
Miyaaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Hadhkaagaa ila joogee
Miyaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Riyaad igu la joogtee
***********************
Igu curay jacaylkii
Igu jabi silsilad adag
Intuu jaanta kuu rogay
Adna kula jiciiree
Intuu caynka kuu jaray
Anna heensa igu jabi
Jirrideeyna dhigayoo
Labadeena jeex qudha
Jidh jidhka isku keen gali
Waxay talana joogtaa
Ama hadal ku jaranyahay
Doqon waa la jiitaa
Wanaag baan u jeedaa
Samaheenna maad jarin ?
Mise wacadka waa jabin ?
Miyaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Riyaad igu la joogtee
#dhugmaal_lyrics #axmed_mooge #mooge

Пікірлер: 22
@sheekhmaxamadshaafi7563
@sheekhmaxamadshaafi7563 Жыл бұрын
Waa hbeeen arboco ah taariikhdu waa 26/7/2023,goorsheegtu waa 1;30am waxan ku suganahay goobtaydii shqada waaana jigjiga intranational waxaan jawidagan waxaa dhacaysa dhaxan yaroo wadata dabayl qaboow meel woxogaa ii jirta waxaa ku qayilaya askar iyo inamadii gaadhka hoteelka waxaana ushidan dab ay kulaalayaan lkn anigu waxaan fadhiyaa kursi cidla ah waxaana iidaran heeskan ooaan caawa soo raadiayay Zxbyaal alle waxaan kaaga barya gaa adigaagan akhrinaya qoraalkayga inaad isoo alle inoo waydiiso inaynu janada ku kulano zxb mahamad shafi from dhagaxbuur ogdenia ❤❤❤❤❤❤
@KORNEIL-TRAVELER2
@KORNEIL-TRAVELER2 2 ай бұрын
Walalka Janada Allaha nagu kulmiyo waxan kasoo saalamayaa Caasimada umadda Soomaalkyed muqdisho.
@Samawada1231
@Samawada1231 Ай бұрын
Jigjiga international ama cagaweyne hotel mesha aan kaga nasto ama dego jigjiga markan tago wxan kaso salamaya dalka and Kenya gaar aahan Nairobi ❤ tariikhdu wa 8\July \2024 malin isnin ah wan rajaynaya inad nooshahay qofkii comment gan qorayow 🎉
@cabdurasaakAli9821
@cabdurasaakAli9821 8 ай бұрын
Waa maalin talaada ah 12.12.2023 Goorsheegtuna waa 2:36pm Heestan waxay igu leedahay xasuus gaara waxa dhegeysan jiray sanadihii 2019 iyo waqtiyadii ka horeeyey zaxiipayaal Nolol San baan inoo rajaynayaa❤🥰👏
@mukhtarabdihassan7587
@mukhtarabdihassan7587 10 ай бұрын
Eraydii c/laahi diiriye Sooraan iyo codkii Axmwd mooge ilaahay ha u naxariisto labadaba
@SuperKahin
@SuperKahin 19 күн бұрын
Riwayad bayku jirtay waxa iska leh cabdi qays hayska hadlin
@abdirahmanwacays4066
@abdirahmanwacays4066 6 ай бұрын
Yaa salaam heestan beri hore oo aan jacaylka jili jirey ayaan dhagaysan jirey❤
@sagalabdikadir1476
@sagalabdikadir1476 10 күн бұрын
Hestan waxa isla dhagesany jacelkyga 06.8.2024 malin talada ❤
@Mo7ammedNoor-n5o
@Mo7ammedNoor-n5o 10 күн бұрын
💋🫂
@Khaliil123
@Khaliil123 Жыл бұрын
Waa 11:10pm 07.10.2022 wxn jogaa Baydhabo for first time. Ishi baa ii dhow. Heestan xasus igu ledahay 2018-2020 bn Malaysia ku dhegysan jiray ani PhD ka waday
@cabdisamadrashidgalicom-yc3rt
@cabdisamadrashidgalicom-yc3rt Жыл бұрын
Alle ha unaxariisto axmed mooge liibaan 😢
@cabdifataxadan4526
@cabdifataxadan4526 Жыл бұрын
Ereyada cabdiqays music saalax qasim
@caliismacil3814
@caliismacil3814 Жыл бұрын
Waah waah ogobay jacayl kuna hargaysa 20 23 ka
@jiilkamaanta6827
@jiilkamaanta6827 Жыл бұрын
Another level 💯 👌 👏 🙌 😌
@barkhadibraahim1023
@barkhadibraahim1023 7 ай бұрын
habeen khamiis ah saacada 11: 30 pm habeenimo 12/27/2023 waxan jooga ankara heestan waxaN ku soo xasuusta habeenki doorashadi somaliland ee muuse biixi inaan ku dhagaysaneynay berbera anagoo hargaysa ka nimi Markaas baana iigu horsay inaan maqlo
@yasminmohames1922
@yasminmohames1922 Ай бұрын
Ax yaa jcl 😢 ❤❤
@AliAhmed-xo9km
@AliAhmed-xo9km Жыл бұрын
Xasuus!!🥺😢
@maxdar11
@maxdar11 Жыл бұрын
Riyaad igula joogta
@mmpodcast1
@mmpodcast1 Жыл бұрын
Mind-blowing! 😮
@uptherhmnizmail9157
@uptherhmnizmail9157 Жыл бұрын
Great song 1/3/2023 😭🔥👊
@BaraxlayMudug
@BaraxlayMudug Ай бұрын
3/Julay/2024 Xusuus
@user-mj8rw2gq8w
@user-mj8rw2gq8w 5 ай бұрын
2024😢
XASIL by Ikran iyo Abdi holland
10:34
Abdinasir Cirro
Рет қаралды 12 МЛН
Kind Waiter's Gesture to Homeless Boy #shorts
00:32
I migliori trucchetti di Fabiosa
Рет қаралды 6 МЛН
Kids' Guide to Fire Safety: Essential Lessons #shorts
00:34
Fabiosa Animated
Рет қаралды 12 МЛН
Can This Bubble Save My Life? 😱
00:55
Topper Guild
Рет қаралды 37 МЛН
World’s Largest Jello Pool
01:00
Mark Rober
Рет қаралды 127 МЛН
Mooge Yare WAAYEELKA  JAQAFSADA  2013
4:57
Golis Media
Рет қаралды 198 М.
Axmed Mooge Heesta | Miyaan Xalayto Jiifsaday | Astaan Music 2020
6:58
Maxamed Mooge babaygii jamaamiyo.wmv
7:38
Kanakwamba kwetu Sunyareh
Рет қаралды 553 М.
Mooge Yare (WAAYEELKA  JAQAFSADA)  2013
4:57
SALAXLEY TV
Рет қаралды 3 МЛН
Maxamed mooge miyaan xaleyto jiifsadey
7:27
AMAN LYRICS SONGS
Рет қаралды 54 М.
AXMAD MOOGE DHALINYARO WITH LYRICS KABAN ORIGINAL
10:54
GEEDI SHAAMBOW STUDIO
Рет қаралды 127 М.
Kind Waiter's Gesture to Homeless Boy #shorts
00:32
I migliori trucchetti di Fabiosa
Рет қаралды 6 МЛН