No video

sida laba rafiiq maxamed mooge | Maxamed Mooge Hees Rako | rafaad noqotay | rafaad noqotay buurtaad

  Рет қаралды 233,886

DHUGMAAL LYRICS

DHUGMAAL LYRICS

Жыл бұрын

Magaca Heesta: Rako
Eryaadii : Maxamed Cali Kaariye
Laxankii : Abdikariin Faarax Jiir
Codka : Maxamed Mooge Liibaan
Kabanka : Maxamed Mooge Liibaan
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
Sida laba rafiiqoo
Kalgacayl is raacshaan
Raacdeeyey aniguna
Nabad inaan ku raagnee
Inkastoo ruuxayguna
Adi raali kaa yahay
Rafaad noqotaye
Buurtaad rakadeeda fuushee
Adoon soo rogaal celin
Raarkana ka soo degin
Ra'yigayga sidaan qabo
Kalaa raaagi doonnee
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Sida ramadka geeloo
Laga reebay ubadkii
Ama rabadin doogloo
Reero ay ku guureen
Inkastoon ku rabayoon
Kuu riyaaqay maalmahaan
Rafaad noqotayee
Buurtaad rakadeeeda fuushee
Adoon soo rogaal celin
Raaartana ka soo dagin
Ra'yigayga sidaan qabo
Kala raagi doonnee
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, ,,,,,,,,,,,, ,,, ,,,,,
Sida reer abaartiyo
Ramaskaba ku riiqdee
Saakaba rogaal celin
Hadba meel u rarayoo
Roob loo tilmaamaan
Kuu daba rucleeyaa
Rafaad noqotayee
Buurtaad rakadeeeda fuushee
Adoon soo rogaal celin
Raartana ka soo dagin
Ra'yigayga sidaan qabo
Kala raagi doonnee
#DHUGMAAL_LYRICS #mooge #maxamed_mooge

Пікірлер: 50
@HalisTa..22
@HalisTa..22 Ай бұрын
Inkastoo ruuxayguna Adi raali kaa yahay Rafaad noqotay buurtaad Rakadeeda fuushee Adoon soo rogaal celin Raartana kasoo degin Ra'yigayga sidaan qabo Kala raagi doonee🙇‍♂️ Mohamed moge liban Allah yarxam🤲
@IsraAbdiqaadir
@IsraAbdiqaadir 9 сағат бұрын
Ilahay ku naxariiso ❤
@user-fj2tv9sh2p
@user-fj2tv9sh2p 8 ай бұрын
Erayadii= ustaad Maxamed Ali kaariye Laxankii= ustaad C.kariin faarax jiir Luuqdi=iyo codki ustaad Maxamed mooge liiban Dhamaantod alaha AUN ❤❤heestii =Rako Hesahii hirgaly 1975/76 Dhamaantod aynu uwada duceyno Intii iga danbeyso Aqrisa Qormadeyda Dat waa kuwii hore Alaha janeyo dhamaan Intii dhimatyba❤❤❤
@user-fv8sk4rj8f
@user-fv8sk4rj8f 8 ай бұрын
Rabbi naxariistiisa jano ha ugu bishaareey, xusuus lama ilaawaan ah iyo cod iyo hees macaan badan aan marnaba duugoowey nin waaye
@user-A.Rashid
@user-A.Rashid 3 ай бұрын
Allah ha u naxariisto dhamaantood ameen xasuus ayayka tageen bilaa naxli ah oo macaan badan iyo erayo wanaagsan oo geff ka dheer erayo wanaagsan oo dhaqan keena iyo jiritaankeena ku liffaaqan ayay ku heesi jireen
@user-A.Rashid
@user-A.Rashid 3 ай бұрын
Allah ha unaxariisto waxy ahaayeen dad runtii murti iyo heeso dhaqanka somaliga ku lifaqan tirin jiray malah heesahani wax gaff ah marka musicada laga reebo AUN dhamantood 2024 qofkii dawanayo like ii saar❤❤
@drmukhtaryusuf9606
@drmukhtaryusuf9606 8 ай бұрын
Young maxd mooge the greatest hits of somali songs ever allayaraxma raximiin
@uptherhmnizmail9157
@uptherhmnizmail9157 Жыл бұрын
Our lgend Mhamed mooge libaan alle haku naxristo 😭😭🖐🏼
@ibrahimfiqi4578
@ibrahimfiqi4578 10 ай бұрын
The legend-allow kuu naxariiso amiin.
@youngdhegbour8919
@youngdhegbour8919 Жыл бұрын
Kabanku maaha xudaydi ee waa Isla maxamed mooge zhp
@cabdiwalibeeroof2483
@cabdiwalibeeroof2483 Жыл бұрын
M mooge ahn inta heesta aabbahood fannaanka fannaaniinta
@ahmeddarood2244
@ahmeddarood2244 Жыл бұрын
This is what you call greatness 🎶🎶
@dhalanteedtv7553
@dhalanteedtv7553 Ай бұрын
Waxan dhagaysanayaa axad bisha july 14 sanadka 2024 sacada 11:31 daqiiqo sariirtyda iska jiifaa ❤
@AxmednuurReermagaal
@AxmednuurReermagaal Ай бұрын
Amba kula mid Ayaan ahay zxp 14/7/2024 ...8:02.am.waxan Ahay wakhtigan Arday Xasuus insha Allah nooli kulante❤❤
@CabdilaahiFarjar
@CabdilaahiFarjar 8 күн бұрын
2:07 2:08
@liishaaninvestigation6641
@liishaaninvestigation6641 Жыл бұрын
Ereyadii maxed cali kaariye Laxamkii jiir Codkii mmooge
@abdnadirabdi2205
@abdnadirabdi2205 Жыл бұрын
Ahn maxamed mooge iyo kabankii ahn xudeydi
@moustaphatafo979
@moustaphatafo979 Жыл бұрын
Ereyada: Aun dhakhtarkii jacaylka maxamed cali kaariye Laxanka: c/kariin faarax qaarey (jiir) Codka: 1. Maxamed mooge liibaan 2. Maxamed saleebaan tubeec 3. Hibo maxamed gudoon (hibonuura)
@user-ol9wt5rs4j
@user-ol9wt5rs4j 9 ай бұрын
❤❤❤❤❤
@cabdiraxmaandiiriye3670
@cabdiraxmaandiiriye3670 Ай бұрын
Kabanka Xudaydi
@calaydhchannel2541
@calaydhchannel2541 Жыл бұрын
Kabanka waa gacanti xudaydi sxp
@crisaaqyaasiin7117
@crisaaqyaasiin7117 11 ай бұрын
May sxb waaa isla m.mooge
@BashiirNour
@BashiirNour Ай бұрын
Sida ramadka Geeloo laga reebay Ubadkiiii❤❤
@AhmedMohamed-tn5yg
@AhmedMohamed-tn5yg Жыл бұрын
Kabanku waa bashiir xaddi
@Kaafi-fq5sv
@Kaafi-fq5sv Жыл бұрын
Erayadii AUN dhaqtarkii jacelka Mohamed Ali kaariye Laxankii AUN Abdikariin faraax qaaray jiir Codkii AUN Mohamed mooge iyo AUN Mohamed saleban tubec iyo Hibo nuura
@maxamednuur7175
@maxamednuur7175 Жыл бұрын
Alahayow maxaad run sheegtay
@Buxx0923
@Buxx0923 Жыл бұрын
Hee, wahwah ...One of my best favourite somaliclassic songs Mohamed Mooge Liban (AUN)❤❤. Thankz bro, we appreciate your effort.
@dhugmaallyrics
@dhugmaallyrics Жыл бұрын
Thanks bro
@Ayeeeyokoris238
@Ayeeeyokoris238 23 күн бұрын
2024 2:33 habeenimo. Anoo. Xyaaad. ❤❤❤❤
@Maxamuudburaale
@Maxamuudburaale 3 ай бұрын
Wuxuu garaacayaa 12 laha kabanka
@Xasangantaal-sf8yw
@Xasangantaal-sf8yw 4 ай бұрын
Alle haw naxariisto
@yusuf-nabadaxmed262
@yusuf-nabadaxmed262 5 ай бұрын
Erayada: Maxammed C. Kaariye Laxanka: C/kariim Faarax Q. Jiir Kabanka: Maxammed M. Liibaan Codka: Maxammed M. Liibaan 1976 Hees tacab galay.
@NajaxCabdi-te2xv
@NajaxCabdi-te2xv 5 ай бұрын
AUN haldoorkii Qabriba haya
@samiraokash7348
@samiraokash7348 Жыл бұрын
Beautiful song ❤
@daauudgeedi5175
@daauudgeedi5175 10 ай бұрын
Yaa ku horeeyay laba maxamed iyo hibo nuura?? Iyo taariikhda la qaaday???
@ahmedfiiraan3383
@ahmedfiiraan3383 Жыл бұрын
HeesTan arooskayiga Laga qaday ooy kaso waregtay wax Yar 😓 xasuus
@cabdirashidxasanciise4586
@cabdirashidxasanciise4586 Жыл бұрын
Buurtaat rakadeeda fuushee m.mooe
@cabdirishidmaxamedjamac4820
@cabdirishidmaxamedjamac4820 Жыл бұрын
Erayadii abwaan abdi qays
@ahmedmahfoud3471
@ahmedmahfoud3471 Жыл бұрын
Waa Erayadii Aabihii Jacaylka ama Dhakhtarki Jacaylka AUN Abwaan Maxamed Cali Kaariye
@Kaafi-fq5sv
@Kaafi-fq5sv Жыл бұрын
Yahuuuu Erayadii AUN dhaqtarkii jacelka Mohamed Ali kaariye
@basbascarab-zw5hg
@basbascarab-zw5hg 9 ай бұрын
@DR_Hanuniye
@DR_Hanuniye Жыл бұрын
Ninkaan Legend weeye waan tageeraa lkn Heestaan waxaa oga wacan M. Saleeban Tubeec AUN dhamantood
@abdisalammohamedali1441
@abdisalammohamedali1441 Жыл бұрын
Tubaac waa ninak somali ugu cod qurxana Ninkane asagu ma dhawa lkn tubaac waa the best one
@AhmedMohamed-tn5yg
@AhmedMohamed-tn5yg Жыл бұрын
He is the original laakiin
@kalilrage8873
@kalilrage8873 Жыл бұрын
Tubeec ban dhagayso is idhi ka dib waxaan dareemay meelo uu naaxiyada laxanka duway , ka dib baan halkan imi.
@raamaale5
@raamaale5 Ай бұрын
Ninkan codkiisu waa heersare
@mustafemaxamed8995
@mustafemaxamed8995 7 ай бұрын
E
@sadiighasan1254
@sadiighasan1254 9 ай бұрын
Cajiib gestanden h
@maxamedmaxuud3651
@maxamedmaxuud3651 2 ай бұрын
Inta kale waa sax lkn ninka tumayaa waa xudaydi
لااا! هذه البرتقالة مزعجة جدًا #قصير
00:15
One More Arabic
Рет қаралды 50 МЛН
World’s Largest Jello Pool
01:00
Mark Rober
Рет қаралды 126 МЛН
Maxamed mooge (waxa iman ayaanti ina moge sugaye)
14:16
ABWAAN SHIRDOON OFFICIAL
Рет қаралды 196 М.
Maxamed Mooge iyo Hibo Nuura - Babaygii jamaame lyrics
14:28
Rageedii™
Рет қаралды 823 М.
Xasan Adam Samatar 🔥Iyo Heesta "BELEDWEYN"
14:40
WAAYO WAAYIHII WACNAA
Рет қаралды 3,4 МЛН
SOOMAALIDU MA HURUDAA| MAXAMED MOOGE AHN|
8:56
QalabJaan Tube
Рет қаралды 285 М.
HEES | Daandaansi Caashaq | Maxamed Mooge Liibaan | Lyrics
8:21
maxamed mooge liibaan HEESTII: sabab kale hamoodin  oo dhamaystiran
11:28
jibo qaraami media
Рет қаралды 106 М.
لااا! هذه البرتقالة مزعجة جدًا #قصير
00:15
One More Arabic
Рет қаралды 50 МЛН