Рет қаралды 604,878
HEESTA: SAXARLA'
EREYADA: ABWAAN MAXAMED IBRAAHIM WARSAME "HADRAAWI:
CODKA IYO KABANKA: MAXAMED MOOGE LIIBAAN
WAXAY QAYB KA AHAYD: SILSILADII CAANKA AHAYD E "SIINLAY"
Ereyada Heesta oo qoraal ah;
- Ku sinnaan dharaartii
- La sargooyay dunidee
- rabigay sameeyee
- cirka sare u taagee
- xidigaha siraatiyo
- dayax suudi meeriyo
- lagu sugay cadceedee
- sagalkiyo daruurtiyo
- lagu xidhay sitaacee
- dhulka gogol la seexdiyo
- saba lagu nagaadiyo
- laga dhigay sindadabke
- buurahaa la saaree
- dhirta samayda ciiddiyo
- salkaa loogu jojee
- saddex laab bad iyo webi
- dul sabbeeya lagu yidhi
- dabadeed la saanyaay
- qofba meel la siiyee
- saldhigaygu qaydnaa
- ciddi uma sinnaynoo
- dadku ruux sabooliyo
- saranseer ku raagiyo
- duryo samo nin yaalloo
- sidkaa dhalay ku haystoo
- hela seerma waydoo
- labo kala sed roonbaa
- subax noolba joogee
- waan soo socdaa kow dheh
- waxna waan sidaa labo dheh
- samir yeelo weligaa
- saxarlaay ha fududaan